โ TARIIKH DHIGAN
Imaam Axmad binu Xanbal waa la xidhay oo la jidh-dilay, sababtuna waxay ahayd in lagu khasbo inuu dhoho quraanku ma ahan hadal Allah ee waa abuur rabi.
Xilligii Cabbaasiyiinta Hogaamiye talin jiray oo ku caan baxay dulmiga, sidookale aaminsanaa in Qurโaanka la abuuray ayaa go'aansaday inuu imaamka kudirqiyo inuu ogalaado in quraanku yahay makhluuq, balse imaamka ayaa ka soo horjeestay.
Imaam Axmad bin Xanbal markii la xiray ayaa ninkii xabsiga hayay oo ilaalinayay weydiiyey diintu waxay kaqabto u gargaaridda daalimiinta iyo garab istaagooda in shaqo loo qabto. Ibnu Xanbal wuxuu ku yidhi: Daalimka dadka dulminaya waxba kama dugana midka garab istaaga usamaynaya oo shaqada uhaya.
Xabsi-hayihii wuxuu ku yidhi: oo anigu ma waxaan ka mid ahay u gargaarayaasha dulmiga? Ibnu Xanbal wuxuu ku yidhi: Maya, ma tihid mid u gargaara Dulmiga, balse waxaad tahay mid ka mid ah Daalimiinta dadka dulmiya. Xitaa qofkii waxyar lagarab istaaga waala xukun.
Xigasho
https://t.me/TariikhdaIslamka