Tariikhda Islaamka


Channel's geo and language: not specified, not specified
Category: not specified


❝ Waxaa helidoonta tariikhda islamka iyo horumarada ugaadhay islamka qarniyadi lasoodhafay ❞
🇹 🇦 🇷 🇮 🇮 🇰 🇭

Related channels

Channel's geo and language
not specified, not specified
Category
not specified
Statistics
Posts filter


Video is unavailable for watching
Show in Telegram
Stephen King oo kamida koongareeska maraykanka ayaa hadalkaan kahor jeediyay koongareeska maraykanka 2015kii.

Muqaalku wuxuu xambaarsan muhiimad gaara oo ogaal kusiinaysa cadaawada gaamurtay ee gaaladu uhayso islaamka. Waxaa nasiib xumo ah qof sidaa axmaqnimada u hadlaya inan raashin kahoos raadsano, gacal iyo sokeeyana aan u aragno.

Stephen wuxuu tilmaamaya in dagaalka islaamku bilowday 1400sano kahor waana waqtigii Rasuulka scw iyo saxaabada Qofka waxaaso dhan uurka uga buuxan kawaran.

Inagu tariikhdii islaamka ilownay maalinkastana umad islaama laxasuuqa iyadoo nalagu qancinayo inay amniga halis kuyihiin.

Muqaalka hala faafiyo.

https://t.me/TariikhdaIslamka


Waa xildhibaan katirsan koongareeska maraykanka wuxuu yiri "Cadowgeenu waa jihaadka Islaamiga ah midkaasoo uu bilaabay Maxamed , waxaanu lagaalamaynaa mudo dhan 1400 sano ilaa iyo hada. Xulufadeena dagaalka nagula jirta waa Masar , imaarat, urdun , sacuudi iyo Israel"

Marka xildhibaan kan uu hadlayay waxay ahayd 2015kii , waqtiga dowlaha carabta qarkoodna ay Israel laheshiiyeen na waa dhawaan. Show waligoodba waa isku nabnaayeen dagaalna wakujireen.

Hadii mar masar iyo Saudi Arabia culimo ay noosoo saarayaan xaalku masahlana.

Waxaan ka hayaa muqaal soconaya 6daqiiqo waana labo luuqadood english oo asalka ah iyo carabi oo turjumadii ah.

Walaahi waanba iskunaxay markaa daawaday.

https://t.me/TariikhdaIslamka


XAQA OO CADAADA

Dadka hadii xaqu u cadaado kama dhigtaan miisaan ay wax kukala soocdaan, kooxda itaageertay ayaa yar ama kooxda igasoo horjeeda ayaa badan.

Dadka jaahiliinta ah ee diinta waxba kabaran waxay dhahayaan:- " Hebel wuxuu wado haday xaq yihiin kamaysan qarsoonaateen hebel iyo hebel" waana hadaladii ay ku andacoon jireen gaaladii Quraysheed.

Mushrikiintii Quraysheed waxay dhihi jireen
" لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَا إِلَيْهِ"

Qattaadah wuxuu yiri alle haka raali noqdee "Aayadan Quraanka waxay kusoo dagtay mushrikiintii Makka waxayna dheheen :- "Hadii Maxamed wuxuu noogu yeedhayo ay xaq ahaan lahayd, cidiba nagama hor Gasheen Diinta Islaamka" yacni adoomo, dumar iyo ciyaal diinta nagama hor galeen".

Cali alle haka raali noqdee wuxuu yiri:- " Xaqqa Ogow waxaad baranaysaa Ehelkiise"

Hadii maanta dadka intooda badan xaqa haleeli lahaayeen oo ay ku habsan lahaayeen Islaamku maanta manoqdeen marti ama qariib.


https://t.me/TariikhdaIslamka


👆
Halkaan kabaro tariikhdii imaam Axmad gurey kahor , waqtigiisi iyo kadib ilaa xabashi kagasoo duushay somalia Muqdisho.


TUSMADA TARIIKHDA
〰〰〰〰〰〰〰〰〰

🏹 TARIIKHDII HALGANKII BARIGA AFRICA SOMALIA.


1. QAYBTII 1AAD
2. QAYBTII 2AAD
3. QAYBTII 3AAD
4. QAYBTII 4AAD
5. QAYBTII 5AAD
6. QAYBTII 6AAD


#share


Video is unavailable for watching
Show in Telegram
Waa mid kamid ah duqaymii ugu axmaqsanaa ee ruushku uu kafuliyay dhulka Syria. Maalin galinkeed ayuu dumiyay magaalo dhan.

Markii raggii degaanku keceen si ay wax un usameeyaan oo dhiigu qaaday, ayaa caalamka oo dhan meelkasta wadaad kasoo saaray fadwo.

Caalamkii oo dhan halmar ayaa laga dhawaaqay iyadoo la leeyahay waa khawaarij waa shadaadiin diinta suurad xumaynaya.

Gumaadka , barakicinta iyo dabargaynta ruusha iyo Naato waday warbaahintu masoo tabin oo way ka aamustay raggii reer shaam ee cadhooday oo hubka qaadayna waxay soo bandhigeen suurad xumayntooda iyo fadwooyin aan loo meel dayin.

Maanta markii ruush duqaymaha kagaystay #ukraine caalamkii dhan baa dhawaaqay oo yiri shacabka maxaa loo xasuuqayaa tolow kuwa islaamka ee laxasuuqay maxay galabsadeen.

https://t.me/TariikhdaIslamka


Cimaamad isku mid ah goor kasta iyo goob kasta.

Waxay ahaayeen culimo kuwii Musolini soo dhoweeyey oo u ballan qaaday inuu mas’uul ka yahay oo uu amiir uyahay, Raggaas waxay soo saareen fatwo ah inuu Mujaahid Cumar Al-Mukhtaar Khawarij ahaa.

Waxay ahaayeen culimo kuwii maamulka u hayay Al-Azhar ee Napoleon ugu magac daray Xaaji Cali Napoleon Pasha.

Waxay ahaayeen culimo kuwii yiri Trump wuxuu aduunka u horseedayo nabad.

Wuxuu ahaa caalim, Muftigii Syria ee u istaagay inuu maansooyin amaan ah u tiriyo Putin.

Waxay ahaayeen culimo kuwii yiri ugaandhis iyo amxaaro injirey dhabarka lagama toogan karo oo lama gaadi karo.

Xaqa waxaa bidhaamiyo culimo yar oo faro kutiris ah halka intooda badan culimadu ay ka been sheegaan mabaadida caqiidada, ayaadka quraanka iyo axaadiithtii Rasuulka scw.

Cidna uma balan qaadin wadaad inuu dhabada xaqqa hayn doono waligii balse waa la imtixaami oo waa lakala soocayaa , haku kadsoomin qofkasto khamiis iyo cimaamad wata.

https://t.me/TariikhdaIslamka


#Halkan

Waa qabuuro ay ku aasan yihiin askarta Faransiiska oo ku yaal magaalada Damiir ee baadiyaha Dimishiq. laakin hal qof oo Faransiis ah laguma aasin!!

Xabaalahan waxaa ku jira 4,000 oo askari oo Faransiis ah oo ay dileen fallaago syriaan ah intii lagu jiray Kacaankii weynaa ee Suuriya ee 1925kii miilaadiga.

Dhamaan dadka dhintay waxay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal iyo gumeystihii Faransiiska, waxayna u badnaayeen dad ka soo jeeda dalal Muslim ah oo magacyo Muslim ah wata sida: Muxammad, Axmed iyo Ibraahim.

Xabaalahan dadka ku aasan waxay isugu jiraan 927 askari oo Senegal ah, 503 askari oo Aljeeriya ah, 467 askari oo Morocco ah, 313 askari oo Tunisia ah, 122 askari oo Mali ah, iyo tiro askar ah oo isugu jira Cawaan iyo Gaalo ka kala socda dalal badan oo Afrikaan ah.

Waxay khiyaameen diintoodi, dadkoodi iyo ehelkoodi waxay kudhinteen iyagoo gaalo kagarab safan, diintoodiina waxay ka iibiyeen France.

https://t.me/TariikhdaIslamka


#Xusuus Taariikheed

Suldaan Maxamed alfaatix waxa uu jiray 21sano markuu furanayay Qisdandiiniyah oo ahayd magaalada ugu dhufaysyada badan dunida Kiristaanka 562 sano ka hor.

•|Dhalinteenu 21sano jirkoodu wuxuu furtay aaladaha ugu isticmaalka badan aduunka Whatsapp, Facebook iyo Telegram. 😒

https://t.me/TariikhdaIslamka


Inaalillahi wainaa ilayhi raajicuun.

Nolol dhib badan ka dib wuxuu Allah oofsaday walaalkeen #Axmed Caani Muxammad oo sanadkii 2003-dii si xaq darro ah loo xiray, isaga iyo maxaabiis kale oo Muslimiin ah, waxa uu xabsiga ku jiray ku dhadhow 20 sano, isaga iyo walaalkii oo isna isaga dartiis xabsiga loogu taxaabay.

Waxay xaaladaa kujireen ilaa aabahood uu dhintay iyagoo arag. waxayna ugu jireen jeelasha si cadaalad darado ah .

Kadib markii xabsiga laga soo daayay ayay sooritay xanuuno uqarsoona mudo dheer , waxaana kamuuqday jidh dil aad udaran oo aan loo meel dayin.

Jugtii iyo dhaawacyadii soo gaadhay ayuu udhintay axmed.

Allaah ha u naxariisto, hana u dambi dhaafo, hana kulmiyo isaga iyo anbiyadii.

https://t.me/TariikhdaIslamka


Video is unavailable for watching
Show in Telegram
Halkani waa duleedka baaquez waana mesha lagu duqeeyey umad kor udhaafaysa 3,000 oo qof.

Duqaymaha Syria waxaa kaqayb qaatay dowlado kamid ah yurub maraykan iyo ruush oo dhiciisa kawaday dabargaynta reer syria dhulkii aqoonta iyo ilbaxa.


🎞⌛️

Maanta oo kale 2019kii waxaa dhacay xasuuqii ugu foosha xumaa ee loo geystay muslimiinta...!!

Dhul Baaxaddiisu tahay 700m iyo saacado gudahood, ayaa 3000 oo qof lagu xasuuqay (650 dumar ah, 920 carruur ah, 1,400 rag ah) Waxaa lagu xayiray xero ka dibna waxaa lagu bam gareeyey sun ah nuclear iyo bambooyinka fosfooraska.

Fosfooraska Waa bambooyin mamnuuc ah oo aad u fida masaafo dheerna wax kadila , Gaalada reer galbeedku waxay galeen mid ka mid ah dambiyadii ugu foosha xumaa ee taariikhda galay iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka argagixisada iyo shisheeyaha.!!!

Dhacdadaan waxay kadhacday #Baaquuz Syria

https://t.me/TariikhdaIslamka


Salaadii Subax ee 2 Rabiicul Awwal sanadkii 897 Hijriya ayaa ahayd salaadii ugu danbaysay ee Xiligii Dawladii Islaamka ee lagu tukaday Masaajidkan.

Salaaddii jimcaha ee u dambaysay ee masaajidkan lagu tukado waxay ahayd safar 28, 897 Hijriya Halkan waa masaajidka Mansoura, kaas oo loo beddelay kaniisadda lagu magacaabo "Santa Anna".

Halkan waa Qarnaadah andaluus Jannadii aduunyadee dhuntay.

https://t.me/TariikhdaIslamka


Tariikhda Islaamka
❝ Waxaa helidoonta tariikhda islamka iyo horumarada ugaadhay islamka qarniyadi lasoodhafay ❞

🇹 🇦 🇷 🇮 🇮 🇰 🇭
https://t.me/TariikhdaIslamka


L A S O C O W A A Q I C A


Nin Maraykan jooga oo muslim ah ayaa arkay libaax gabadh soo weeraray. Markaas ayuu dilay libaaxii.

Wargeysyadu waxay qoreen, "Nin geesi ah oo Maraykan ah ayaa gabadh ka badbaadiyey libaax dad can ah. " Ninkii ayaa yidhi “Ma ihi Maraykan”.

Wargeysyadu waxay qoreen, "Nin soo galootiya oo geesiga ah ayaa gabadh ka badbaadiyaa libaax soo baxsaday." Ninkii ayaa yiri:- Anigu waxaan ahay Muslim.

Wargeysyadu waxay qoreen: "Nin Argagixiso ah ayaa dilay libaax aan waxba galabsan oo gabadh laciyaarayay !". Isla markiiba shacabkii islaamka waxay eedeeyeen ninka falka uu kukacay iyo diintu waxay kaqabto xawayaanka in lalaayo. 😳

Walaale Iclaanka reer galbeed haku dagmin. heer waxaa maraynaa maanta wixii reer galbeed dhahaan aan aamino.

https://t.me/TariikhdaIslamka


● TARIIKH DHIGAN

Imaam Axmad binu Xanbal waa la xidhay oo la jidh-dilay, sababtuna waxay ahayd in lagu khasbo inuu dhoho quraanku ma ahan hadal Allah ee waa abuur rabi.

Xilligii Cabbaasiyiinta Hogaamiye talin jiray oo ku caan baxay dulmiga, sidookale aaminsanaa in Qur’aanka la abuuray ayaa go'aansaday inuu imaamka kudirqiyo inuu ogalaado in quraanku yahay makhluuq, balse imaamka ayaa ka soo horjeestay.

Imaam Axmad bin Xanbal markii la xiray ayaa ninkii xabsiga hayay oo ilaalinayay weydiiyey diintu waxay kaqabto u gargaaridda daalimiinta iyo garab istaagooda in shaqo loo qabto. Ibnu Xanbal wuxuu ku yidhi: Daalimka dadka dulminaya waxba kama dugana midka garab istaaga usamaynaya oo shaqada uhaya.

Xabsi-hayihii wuxuu ku yidhi: oo anigu ma waxaan ka mid ahay u gargaarayaasha dulmiga? Ibnu Xanbal wuxuu ku yidhi: Maya, ma tihid mid u gargaara Dulmiga, balse waxaad tahay mid ka mid ah Daalimiinta dadka dulmiya. Xitaa qofkii waxyar lagarab istaaga waala xukun.

https://t.me/TariikhdaIslamka


ILBAXNIMADII ISLAAMKA.


Maryama Asdorlabi : Waa caalimad muslin ah oo fir fircoon oo ikhtiraacay ama hindistay xiddigiska fadhiya.

Xiddigiska fadhiya waa borogaraamka GPS ka loo yaqaan oo aan samaynayn dhaqaaq ama ruxan.

Maryama Waxay ka timid Bilaadu Shaam oo ku taal magaalada Xalab waxayna ka shaqeysay cilmiga sayniska iyo cilmiga xiddigiska maxkamadda "Saif al-Dawla" sanadkii 944kii milaadiga. Xiddigiska adag, ee waagaas wuxuu la mid ahaa GPS-ka aanu hada isticmaalno.

Gaalo intay kii qurxiyeen bay nadheheen ilbaxnimada anagaa aabbe u ah. Jiilkeeni maanta joogayna intay run moodeen ayay uhayaameen oo badaha ugu taadeen diintoodina uga faaruqeen.

https://t.me/TariikhdaIslamka




😳


●M U S L I M A M E R I C A N .

Dhibka haysta muslimiinta qaar ayaa maanta ah in ay rabaan islaamka Maraykan ah ee xorta ah!.

Ma rabaan Islaamkii Muxammad binu Cabdullaahi scw, ma rabaan Islaamkii Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali!.

Taasi waa sababta ay u diidayaan waxa reer galbeedku u arkaan in laga habboon yahay.

Haddaynu kunidhaahno kuwo muslim American ah ama muslimka qunyar socodkaa, Ilaahay baa yidhi, waxay yidhaahdaan garashadaadu waa khalad!
Haddaynu nidhaahno Rasuulku wuxuu yidhi, waxay yidhaahdaan, lama hubo iyo muusan odhan! Markaas ayaa Islaamkoodu noqday wuxuu Maraykanku aqbalay, ee ma ahayn wixii Raxmaanku ka raalli noqday!

https://t.me/TariikhdaIslamka

20 last posts shown.

735

subscribers
Channel statistics