Muuqaal kasta oo ka imaanaya Xamaas, waxaa uu leeyahay istiraarijiyad lagu gudbinayo farriin ‘maskaxeed’, oo lagu daalinayo maskaxda fallanqeyaasha amni iyo sirdoonka Israa’iil. Waxyar ka hor inta ay socotay wareejinta 4 maxbuus oo haween askarta Israa’iil ah oo ay maanta sii deysay Xamaas, kaddib 15 bilood oo ay ku hayeen Qasa , waxaa lagu arkay 4 dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas oo wata qoriga Tavor , oo ah qoriga lagu ilaaliyo Netanyahu iyo madaxda sare ee Israa’iil , iyadoo soo bandhigista qorigan ay argagax iyo fadeexad ku tahay ciidanka iyo sirdoonka Israa’iil.
Sidan oo kale , maalintii koowaad ee xabbad-joojinta ee Axadda toddobaadkii hore inta lagu jiray wareejinta saddexdii maxbuus ee Israa’iil, waxaa soo baxay dagaalyahanno Xamaas ah oo wata qoryaha ay adeegsadaan ciidanka gaarka ah ee Israa’iil. Marka tani waxay tahay inay Xamaas gacanta ku dhigtay sanaad militari oo Israa’iil ah inta uu socday howlgalkii 7 Oktoobar?