"U nuglaanshaha gumaysiga iyo gumaystaha"
__
Faahfaahin
Gumaysigii reer galbeed ay kula soo kaceen dawladaha afrikaanka, qaybo ka mid ah deegaanada carabeed, iyo dhulyow kale oo bashar lamid ahi ku dhaqnaayeen, waxa wax badan ka qoray mufakiriin iyo qorayaal badan oo bulsho waynta aduunka ka kala tirsan, iyaga oo dhicanyo kala gadisan ka eegaya; sababaha keenay gumaysigaa, waxa uu falay, dhibka uu ka tagay, gorfaynta fikradaha ay aaminsanaayeen gumaystayaashu, iyo sidoo kale falaqaynta bulshooyinkii la gumaystay xaaladii ay ku sugnaayeen iyo sida ay uga fal celyeen gumaysigaas. Maalik Binu Nabi, iyo Maxamed Ibraahim warsame ‘ Hadraawi ‘ waxa ay ka mid yihiin mufakiriinta wax ka yidhi si guud bulshada iyo waxa ka kicin kara habaaska ay hawaarto.
Qormadan waxa aynu qayb kaga fiirin doonaa labada mashruuc ee labada mufakir kala leeyihiin, gaar ahaan dhinaca ku wajahan ka xoraynta bulshooyinka gumaystayaasha noocyadooda badan.